Jacaylka dhabta xurmaynta
Runtii ku xasila dulqaadka
Markay xagkasta turxaanta
Kadhowraan laba xumaanta
Gayaan is xushoo wacnaanta
Xubiga ku hantoo ladnaanta
Si xora uga hela amaanta
Xiskaygu markuu tlmaanta
Xagaa holoday danaynta
Adaa ula xishay dawaynta
Xubnaha kuu nugul xushmaynta

Xiisaha maankiyo quluubta
Weedhaha kaga tagay xusuusta
Adaa xujayyey laabta
Naftana uga ba xajiinta
Xaqiiq adigaa asluubta
Qalbigu kugu xushay aqoonta
Xaqdhawrka lagu helay edaabta
Xiskaygu markuu tlmaanta
Xagaa holoday danaynta
Adaa ula xishay dawaynta
Xubnaha kuu nugul xushmaynta

Exit mobile version