Xeel dheeri garashiyo
Xiska iyo damiirkaa
Aadmiga kala xadeeyoo

Adoo iga xishooneen
Xiriirkayna goysoo
Haddaa xoortay jacaylke
Kuu xiiqimaayee
Xor bay nollashu ku tahay

Intaan xayi ahayoo
Aniguna xanaaniyo
Mid xaqayga dhowroo
Ixurmeeyo waan heli

Xushmadiyo wanaagiyo
Xaqdhowrkii dhaxdeeniyo
Xusuustii mayday

Adaa xumaan ka doortoo
Xaasad kale dan mooday
Hadfaan xiiso kuu qabay
Xurmadii jacaylkiyo
Xiriirkaynii waan jaray

Intaan xayi ahayoo
Aniguna xanaaniyo
Mid xaqayga dhowroo
Ixurmeeyo waan heli

Exit mobile version