bal kadhex kaalay garoonkoo
goobta iskeen
adigoon gabanan goolka
istaag waxaad gayso
sheeg dadka gaadhsii

gabalkaagu dhacyee
geesi isataag gadaashayda
soco oo guuxa yaree
guushayda gaadhka ahoow

ima goysid adigee
car isoo gaadh
raadkayga guroo
car isoo gaadh
soo ruclee orodkoo
car isoo gaadh
aan guusha watee
car isoo gaadh

geeraarka yareeyo
goloha banee
gami maysid hadee
gogosha qaboo
adigoon gubanan
game ka adkee

adigaa isagbee
geediga raac
aamku siigalbiyee
gaadhiga fuul
mana goyside libin
gaabiska ahoow

ima goysid adigee
car isoo gaadh
raadkayga guroo
car isoo gaadh
soo ruclee orodkoo
car isoo gaadh
aan guusha watee
car isoo gaadh

Exit mobile version