VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhabta isaar cover - Lyrics

Kiin jaamac Sida dhool guyoo da’ay Dhirtu ubaxa bixisoo Dhulku wada dhalaaloo Xooluhu dhaleenoo Dhayda iyo subaggii Dhitadii u taaloo Dhallinyaradu joogtoo Dhaantada ciyaaraha Dhammaan laysla tumayoo Ayaad iiga dhigantoo Labta kula dhacaysee Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan Dhabta i saar Mohamed alta Beerkey dhambalanoo Dhuuxaygaa shubmaayoo Dhiiggay qulqulayoo Dhibtu maaha kelidaa Waase lagula dhinacyaal Dhabbadaan maraayiyo Kolka aan dhaqaaq tebo Dhammi waaxyahaygiyo Dhimirkaygu adiguu Dhabtii kula hayaayoo Dheellalowga ugu wacan Dharaartii la joogaba Waan kugu dhadhabayaa Hayga dheeraan Dhabarka isaar Dhabta isaar
Queue is empty
-- / --