Naftu tay jeclaatee
Jeegaanta roobkiyo
Lagu jaray sagalkaay
janno lagu durduurtiyo
jawharad la moodeeyeey
Jabuutaay ma nabad baa?

Ummad wada jirtoo
U jajaban dalkoodoo
Jidka toosan qaadoo
Si dhaba isu jeceloo
Jeexaygii baad tahee
Jabuutaay ma nabad baa?

Jaahaagan wacan iyo
Jamaalkaaga quruxda leh
Markii aan jaleecaan
Farxad jidhidhicoodaa
Jidhku ii dubaaxshee
Jabuutaay ma nabadbaa?

Ummad wada jirtoo
U jajaban dalkoodoo
Jidka toosan qaadoo
Si dhaba isu jeceloo
Jeexaygii baad tahee
Jabuutaay ma nabad baa?

Exit mobile version