Jacaylkaagu inanyohow
Igu noqay mid jabka leh
Jiraw igu abuuroo
Aan ka jiifi waayee

Markii aan jamaalkiyo
Joogaaga eegaba
Jidhiidhicaa i qabatoo
Joogi waayay awgaa

Jeegaan la moodyoo
Jawharadii naftaydoo
Jaleecadaan ku eegaba
Kaama jeedsan karayee
Adigaan ala adigaan
Adigaan ku jecelahee

Sidaa tahay jidhoobaad
Jeexyadii nugaaliyo
Jiidalii intuu helay
Ay xareedu jiiftee

Ama jiida heerdhe hee
Ubax jaadba jaadiyo
Ruuxii jaleecaa
Janadii ma moogee

Jeegaan la moodyoo
Jawharadii naftaydoo
Jaleecadaan ku eegaba
Kaama jeedsan karayee
Adigaan ala adigaan
Adigaan ku jecelahee

Exit mobile version