Heesta Kaalay - Lyrics
Kaalay
Hadii aan macaanow
Murugada kalgacal
Iska maydhi lahaa
Oo aan marqudha
Kaa maarmi lahaa
Macaan aan marqudha
Kaa maarmi laa
Maankiyo qalbiga
Adigaa mar hore
Iska maamushoo
Naf Ku mahatayoo
Miciin aad utahay
Meel xun lama dhigee
Kaalay midigta igu qabo
Hadii aan macanow xabiibi
Mawjadaha jacayl
Iska moosi lahaa
Muhashada qalbiga maaweelin lahaa
Maskaxda iyo wadnaha
Adigaa mar hore
Masalaha dhigtee
Nafku muhatoo
Miciin aad utahay
Meel xun lamadhigee
Kaalay midigta igu qabo