Alla ma ogtahay jacayl yahoow
Markastoo tus qaadaba
Wax kuu taakala jirii
Kuu taakalaa jirii

Aniganaa haaaaa tuhunbixi
Tiirkaan dhisaayiyo
Dantaydii ku seegee

Wixii tacab aan kuu galay
Waxba iga maad tarineey
Dhibkana iga maad turinee
Turxaaan
Turxaan li’i kunooloow

Alla anoo kugu taamayoo
Ragba kaa tusmaystoo
Kaa tilmaamay adigaa
Tilmaantay adigaa

Adna waxaa tix galisaa
Hadba talo wadaagtaan
Ruuxii kala taggeen jecel

Wixii tacab aan kuu galay
Waxba iga maad tarineey
Dhibkana iga maad turinee
Dhibkana iga maad turinee
Turxaaan
Turxaan li’i kunooloow

Exit mobile version