VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xalkii nolasha cod kaliya - Lyrics

murugta farxadba ku xigi
ilinta qosolbaa xidhxidhi
nacayb xubigaa badali
dhibtana dheefbaa xanibi

degdega xasilbaa la bari
cidlada wehelbaa xadidi
midnimo waa lagu xamdiye
si roon RABIBAA xukumi

runtuna beenbay xanabi
xaqiiqda cadbaa hir gali
xiliga wacanbaa is tagi
xalkii noloshaa la heli

faqriga xoolaa ka hadhi
xanuunka shifaa qayiri
xikmada daganbaa if bixi
nalkuna mugdibuu xayiri

qalbiga xamilnbaa la fari
xaasidka nacabkaa tirtiri
xurmadu guushay furfuri
xumaha samaa dul mari

Queue is empty
-- / --