ayaan dhalad lagu farxaay
ilwaad qurux lagu nastaay
adaan sida ubax janaad
aduunyada ugu jecloo
miyaan ku ilaawi karaa

amaal aayahaygii noloshaay ha iilan
amaal adaan kuu hiloobee ha iilan
amaal ii uursamow ha iilan
i aamin adaan ku doortee ha iilan

anigoo aynigan hablaha
naftayda ku aaminayn
markaan ku arko adigaa
midaan ku ildoogsanayn
miyay i anfaci kartaa

Exit mobile version