daganeey aduunyada
inta gabadh da'daadaah
adigaan ku doortoo
dookhayga noqotee

docdaad iga jirtaabay
indhahaygu daymada
dusha kaa ilaashaan

ALAA deeqda bixiyee
kalgacaylku yuu dumin
ana dayaca iga daa
nafsi waa ma daalee

dakharadan i gaadhiyo
arimahan i daashaday
kan jacayl ka si daran
dib ma looga sheekayn

sidaan kuu dul taagnahay
ayaa daacad iga ahee

Exit mobile version