VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dareen caashaq - Lyrics

Sow daymadaadii Dareen caashaq ima galin Ima galin aniga Dareen caashaq ima galin Dabnahaygu sow Imay odhan Magaceeda haba dayn Lugahaygu sow ma doontaan Daarta ay ku nooshay Waxaan uga danleeyahay Naf jacayl damqaayaa Dawadaydii noqotee Dadba kaa dhawaystoo Dookhaygu waa adi Sow daymadaadii Nafta damacan maad galin Damiirkaygu sow imuu odhan Dumarbay u sidataa Daqrigaygu sow umaad noqon Midii aan ku dagi lahaa Waxaan dadaw idhaahdaba Daad jacayl i qaadyoo Sirtii dibada gaadhee Dadka kuugu jeceloo Dookhaygu waa adi
Queue is empty
-- / --