VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dulmi - Lyrics

Waxay dani keenta iyo Kalgacalbaa ila durkoo Dad iyo duunyaba ka go,ay Waxbaa daris ii noqdee 2x Dugaagaan weheshadaa Dul meerayaa kaymahoo Halkaad iga daydaydiyo Halkaan dagay kala durkee 2x Ilaahbaa deeq baxshee Dulmiga caashaqa ka daa Dulmiga caashaqa ka daa Ilaahbaa deeq baxshee Dulmiga caashaqa ka daa Doorashada caashaqa ka daa Anoo dooday iyo beer Dagaal la iga badinahayn Dareenkaygaa dobtoo Jacaylbaan la doodayaa 2x Janooy halis daaqayoo Dabkaana adaa shidayee Halkaad iga daydaydiyo Halkaan dagay kala durkee 2x Ilaahbaa deeq baxshee Dulmiga caashaqa ka daa Digashada caashaqa ka daa Ilaahbaa deeq baxshee Dulmiga caashaqa ka daa Digashada caashaqa ka daa
Queue is empty
-- / --