jacayl hadimadiisii
adigaa ii horseedoo
halbawlahaad i goysoo
igamana warhayside

heegadii kalgacalkaa
dusha iga hadhaysee
hadii aanan hodaneey
isu kaa halaynayn
heeso kuuma qaadeen
haye kuma idhaahdeen

nin dartaa u galay halis
lama gooyo hanaqee
ha iga marin hareertee
kalgacaylka ila hubi
ka ilaali hadimada

hamuuntiisa caashaqu
hadii uu ku heli lahaa
kaagamaan hadheenoo
hab ayaan ku siin lahaa

ana hiil kabkaaga
hubaal waan u baahday
ila qaybo hareertoo
haybadaada wacaniyo
soo hor joogsigaagaan
naftu humilo raacdee

Exit mobile version