Waqti dheeraan ku weedihaayo
Wajigaa arkaa igu wacneedee
Ma waalanee waxna iima dhineene
Wayrax jacayl baa i soo wadee
Weheshigaaga hadii aan waayaan ku wareerayoo
Wabbi buuxaan waddo umadoo
??
B 2-aad
Wacad qofkii gala waayaha yiraahdoo
Inuu wanaajshaa waajib ehee
Warankaad tuurtaa igu wareegtee
Wabaydiisaa lawarbahaaree
Weheshigaaga hadii aan waayaan wareerayoo
Wabbi buuxaan waddo umadoo
??
Walaalnimo iyo waxaan wadaagno
Wada jirkeenaa igala weeneee
Ku waaniyoow wacdi kuu dhigoo
Wadeeco maad waceesataa
Weheshigaaga hadii aan waayaan wareerayoo
Wabbi duuxaan waddo umadoo
??
Lyrics by: Sumayo -(Dhaqan ku dhagan )