VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Haldhaayey mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Kinsi Haji Aden
Haldhaayey

Kinsi Xaaji
Taariikhdu waxbey hagtaa
dadkuna wuu haybsadaa
adduunkuna waa hayaan
hirdooglaa lagu socdaa
hogaankuna waa casriga
naftaadana lama hagrado
kheyrkaa ka hadh waa habaar
heeryadan aad sidatiyo
heylahan waa laga ilbaxay
salaanka aad halabsatide
makuu gacan haadiyaa
haneedka makuu qabtaa
hobaanta makuu guraa

Cadar Axmed
Habeenoy hebedka geel
hashaan maqasha iska celin
haraantin taaney dhalin
markey hiigaan nirguhu
jilaalkii bey hadhaa
hambana waa la isku nacay
higaadana igu afgaro
dharaarba ninkaan ka helo
habeenkii kuma dhexee
hantidu wey ii dhan tahay
xishood hodan baan ka ahay
xayihii baan soo huwadey
hablaha soomaaliyeed

Khadiija Hiiraan
hayaay waa loo dhintaa
hagoogtaa waxa lahaa
kuwii waa heermi jirey
dharkaa hayruufayana
sidaan sheekada ku heley
hadii aanad meelna jirin
ruuxii kuu hiiliyana
inaad yeeshaa haboon
haraaga nin laa tabee
hurdaay reerkeenii guur
horseed kuu baaqey iyo
kusoo heley baan ahee
makuu gacan haadiyaa
hoobaanta makuu guraa

Faduma A. Ilmi (Haldha)
Haldhaa baa la yidhaa
heensihii baan wali sitaa
hidihii la wada yiqiin
asluubtii hooyadey
hormuud baan dhaqan u ahay
inaan hin gashaan jeclahay
huf iyo been kuma lugo’o
hirkaa qaawinida dhalay
in lagu hoobtaan ogahay
haboowdaye waxaan ku idhi
hugaaga iyo kaan xidhnahay
labada kee haybad wacan
hilbona keenee asturan

codkii Kinsi Haji Aden