Alhayoo dhib badanaa
Qof ka tagay dhulkiisee
Midkii dhuuxa halistiyo
Dhaayaha ku beernaa

Dhib ihaayaan mooyaan
La dhacayaay mooyaan

Sida dhoof ugu tagay
Wax ku dhigan kamaan helin
Wadkiisana jacaylkii dhabta ahaa

Hurdo dhaban markaan dhigo
Dheeraha ma toosee
Dhadhabkiyo riyadw waa
intay taladu dhawdahay

Qalbi meel ku dheehayee
Talo ma igu dhawdahay

Sida dhoof ugu tagay
Wax ku dhigan kamaan helin
Wadkiisana jacaylkii dhabta ahaa

Alhayoo dhib badanaa
Qof ka tagay dhulkiisee
Midkii dhuuxa halistiyo
Dhaayaha ku beernaa

Dhib ihaayaan mooyaan
La dhacayaay mooyaan

Sida dhoof ugu tagay
Wax ku dhigan kamaan helin
Wadkiisana jacaylkii dhabta ahaa

Exit mobile version