jaceylkaa ku fiicanaa
inuu faayihiisa gaadhe
fadkii roob is bidaaye
tufiyo doogiyo xareeda
ubaxu fidiyee lahaa
orooska ku fooladeeya
adduunyooy filima badaney
halkan faalada ku waday
sawkan filimkii is badalay
miyaan ka filaayey taaba
farteyda yaa subaga darey

Allaha faxan baa wax bixiyee
fiilanshiyo nolol ku farxa
fiqiirka isagaa abuurtey
isagaa faral kaaga dhigey
adduunyooy filima badaney
halkan faalada ku waday
sawkan filimkii is badalay
miyaan ka filaayey taaba
farteyda yaa subaga darey

Exit mobile version