Iga maqan iga maqan
iga maqan i moogaa
mataankeygi geed qariyee

Anna maanta caashaqa
sida mayeyga roobkoo
intu meel biyaha dhigay
u maquursha geedaha

mahiigaan jacayl wado
meel dheer i dhigayaa
i qaadaa i dhigayaa

Igu mudan igu mudan
igu mudan xusuusta midnimo
mahuraan waa labadeenee

Anna maanta caashaqa
sida mayeyga roobkoo
intuu meel biyaha dhigay
u maquurshay geedaha

Mahiigaan jacayl wado
meel dheer i dhigayaa
i qaadaa i dhigayaa

Exit mobile version