wax dhintaad ka samirtaa
rajo waa la dhawraa
wixii dhumayna doon doon
miyaad is dhiiri galisaa
dhabaan cel tagayn baan
geel ku dheelmiyaayoo
dhalan dhool haraad baan
nafta dhiganayaayee
dhici wayday sidaan rabay
dhaawaciina dilaacyoo
waa dhaboobay jacaylkaan
dheel dheelsanaayee

dhagax dhuunta kama dago
dhaayahaad ku aragtaa
dhulka meesha dooga leh
carabku kuma dhadhamashee
adna dhabana haysiyo
dhibtu way igu badan to
dhidid iyo kulaylbaa
dhabanada ka da,ayee
dhici wayday sidaan rabay
dhaawaciina dilaacyoo
waa dhaboobay jacaylkaan
dheel dheelsanaayee

Exit mobile version