Dadkii kala gadaan qarsada
Waxbaa ka dhex guuxayee
Gar baan kuu dhiganayaa
Gudoonkuna waadigii
Gareexo lama doonayee
Garowso waxaan ku dhaho

Nin goba ood gacal tihiin
weliba gacalooy ku jecel
adoon ku maqnayn wax gara
inuu gurigoo cidla ah
sidii gaalshire fadhiyo
Miyaanan gartaa lahayn

Dardaarankii waad geftee
adoo fasax gaaban tegey
maxaa gebla kaaga xidhan
ma geel baa kuugu xidhan
ma geel baa kuugu dhalay

Adoon gurac iyo canaan
Adoon gacal iyo dhib qabin
Adoon gaajo iyo dhib arag

Anoo guri kuu sharaxay
Gasiinkuna kuu dhaxyaala
Weliba gobanimo iyo sharaf

Adiga guudka kaaga suray
weliba gacalooy ku jecel
adoon ku maqnayn wax gara
inuu gurigoo cidla ah
sidii gaalshire fadhiyo
Miyaanan gartaa lahayn

dardaarankii waad geftee
adoo fasax gaaban tegey
maxaa gebla kaaga xidhan
ma geel baa kuugu xidhan
ma geel baa kuugu dhalay

Exit mobile version