VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qamar - Lyrics

Kooshiin: Qormo roob helayoo Oo qanidoo Ee xareeddu qarisaad Qamareey quruxdeeda leedee Qalbi-jire ilaahaay In qanjirini le'eg tahay Kaama uunan qadinine Markaan Qamar ku eegaba Qamuunyaan i lagadee Qortaada dheeree Lagu qoray cabbaadhyada Markii aad xaggayga U soo qalloocisaaba Ma liqdaa i qabatee Gabadha: Qorraxdoo aroortii Qaar la soo baxdoo Aan caadku qarin baad Qummanoow, Qaabaddeeda leedee Nebi Yuusuf quruxdii Qaadirkeennu siiyaad Adna qeyb ka wadataayoo Qeyrkaa ku dhaaftee Haddaan qado anfaaciga Adaan kugu qaboobaa Marka aad qun u dhaqaaqdee Tillaabada aad qaaddee Deymada il-qabadka le I qooransataa bay Qososhaa naftayduye Kooshin: Labadaada qaariyo Dhexdoo qabashadeeda Geenyo qayrabahoo Loo qaaday heensaha Qotonkeeda leedee Dayax qadimmadiisii Aan caadku qariniyo Cirkoo sagal ku qeydmiyo Qureeshtii haweenkaay Qadow geed ku yaaliyo Qawdhihii magoolaay Qoortaada dheeree Lagu qoray cabbaadhyada Markii aad xaggayga U soo qalloocisaba Ma liqdaa i qabatee Gabadha: Wax aan kugu qiyaaso Ama kugu qaddariyo Qabri hoosee mooyee Qummanoow, Qarnigaba ma noolee Qadaf ku hadli maayee Ammaantaan kuu qiray Waad midaan u qalantoo Qaayo aad ka gaadhee Wax ilaahaay kuu qoray Lagaa qaadi maayee Marka aad qun u dhaqaaqdee Tillaabada aad qaaddee Daymada il-qabadka le I qoraansataa bay Qososhaa naftayduye
Queue is empty
-- / --