waxaad muqdishooy aniga
qalbiga i maroojisaa
milgiyo sharaftaadii beri
markaad magac wayn lahayd

oo aad magaalo madax
waliba mudan aad ahayd
miyaa muran laga qabaa

mudadii dheeraatay iyo
intii aan kala maqnayn
midnimadii aan lahayn

markkaan siii milicsadaa
muraaqada ciilu wado
maxaan kugu maax dumaa
mawjada igu soo furmaan
maxaan muusanaw gabyaa
murtiyo hees kuu tirshaa

inuu milaygu is bedalayoo
arimo meel la isla dhigay
ishaa kuu macalinee
madiixiyo reenka garo
man iyo ubax baan ku sudhay

hadii mayay xooganiyo
mahiigaan soo cartamo
masiibada daadku wado
misiilaha reerka iyo

intaanu maqaaqulkiyo
mareegaha kaala tagin
adoo iska moosi lahaa

muskaaga adkaysan lahaa
adoo muraaqaaga iyo
maankaaga la kaashan lahaa

maxaa muqdishooy cid kale
miciin uga raadisaa
taniyo macuuuditeed
hasaawaha meesha yaal
hadeerna malaha banaan
bal soo joogsoo i maqal

inuu ilaygu is badalayoo
arimo meel laysla dhigay
ishaa kuu macalinee
madiixiyo reenka garo
man iyo ubax baan ku sudhay

Exit mobile version