VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Afkaygoo qolo matihid - Lyrics

afkaygoow qolo ma tihid qabiil iyo reer ma tihid qof gaar kuu lihi ma jiro dadkaaga qaybsamooo qoloba qolo diidan tahee adigu waxaa tahay af qudha aduunkiyo qaaradaha astaan baad qawm u tahay qiimaha soomaalinimo ayaad quwadiisa tahay afkaygoow ayaad quwadiisa tahay afkaygoow qran jira atahay afkaygoow qaali baa tahay aniga waxaa tahay qudhayda afkaygoow afkaygoow afkaygoow quus ha noqon kolkay is qardoofayaan shantii qayb kuu lahayd qayarkoodbaa kala dilayoo reer reer bay isku quudhsadaane ha moodin inaad qabyowday qasdiga abuurtee allena qaybaad dhul ka leedahoo qorshiyo nolol baad hagtaaye dunida kuma tihid qaxoontii afkaygow afkaygoow afkaygoow qaran jiraa tahay afkaygoow qaali baa tahay aniga waxaa tahay qudhayda afkaygoow afkaygoow
Queue is empty
-- / --