calayka salaatu laahi
calayhi salaamu laahi

sareediyo maal nin haysta
rasuulkaan siin mudnaanta
saboolkiyo caydha baahan
rasuulkii dhinaca saaray

calayka salaatu laahi
calayhi salaamu laahi

rasuulkii saar aduunyo
ka saahidayee ka jeestay
rasuulkii saan ku seexday
intuu raaxada ka soomay

calayka salaatu laahi
calayhi salaamu laahi

markaa la afuufo suurta
dadkana laga soo dhex saaro
dhulkiyo siigadiyo boodhka
raboow subaxaa qiyaame

calayka salaatu laahi
calayhi salaamu laahi

raboow suudiga cadceeda
udgoonaha aan sugayno
shafeecada inuu na siiyo
safkiisa raboow na raaci

calayka salaatu laahi
calayhi salaamu laahi

Exit mobile version