umada hurin iyo noqota habar habar
kolay hibashiyo ma waydo huqdee
qaranka hadhsadoo haybada ku gam oo
quluubta hal qudha ka noqdaay

wakaa horu maray dhulkii hooyee
ninkii u hanwayn hogaanka dalkoow
hankaagu ha dhaafo reer hebel

qabyaalad hog dheer hadaan ku hubsano
dadkuna ka hadhaan hayb iyo qolo qolo
calanka hagarli i naftaba loo huray
dunida hagrataa u hiilin lahayd

hormumo baasiyo hantaaq mooyee
qabiil u hilowgu malaha hirashee
midnimo hadafloo inoo hirgashaa
aqoonsi la helo inoo haysee

Exit mobile version