Heesta Subxaana laah - Lyrics
subxaanalaah alla yaa cibaadalaah
cibaad o intaad ka baydho
cadaab nnafta ha u horseedin
subxaanalaah alla yaa cibaadalaah
caqliga deel qaaf ha barin
ha u dirin camal aan saxnayn
xalaal caysh aan ahayn
cunaha ha u marin caloosha
cisuu kaa mudan yee
aadmiga ha u raadin ceebo
subxaanalaah alla yaa cibaadalaah
cishada wadka aad u leeday
hadaanad cadayn karaynin
subxaanalaah alla yaa cibaadalaah
cawaad ifka xaadirtee
adoon cudur daar u haysan
ciyaar yay kaaga tagin
bishani bil cibaado weeye
adoon carabkaaga dhawrso
bishani bil cibaado weeye
subxaanalaah alla yaa cibaadalaah
yaanu alle kuu cadhooone
ha caasiyin mawlaheena
subxaanalaah alla yaa cibaadalaah
dadku cadawgooda yee
adoon iska celi iblayska
xisaab celin baa jirtee
carada lama joogayee
intaan sida caw lalaabin
goobaha camir khayrku yaalo
subxaanalaah alla yaa cibaadalaah
nafaan xaqa loo carbiyin
waxay mudataa ciqaabe
subxaanalaah alla yaa cibaadalaah
adoo cadrad qaba xalaala
macsidu yay ku cadaana
caadiyo dhaqankii islaamka
caajis haka noqon adoone
talaan kugu caawiyee
aniga cadaw ha ii malanin
subxaanalaah alla yaa cibaadalaah