VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ayaan - Lyrics

Ayaaneey adaan Inta reer aduun Ku adkeeystayoo
Ubadkaaga iyo Ehelkii ku dhaley Ku amaanayaa Anna ooridii I adeecaday Ayaan Waan kuu ogahey Xil aanan awoodi Karin Ayaad iiga aadantoo Abaal baan kuu hayaa Aadmigu aduu Adinka iyo afkaba Ammaan kaa heloo Sharaf iyo asluub Garasho iyo aqoon Alle kugu sadee Anna aragsaneey Waan kuu ogoo Ma ilaawi karo Xil aana awoodi Karin Ayaad iiga aadantoo Abaal baan kuu hayaa Ayaaneey adaa balanta Iyo axdiga ila oofiyoo Eed male jaceeyl Arimada qalbiga Ku abuurayee Aniguna adaan Idilkood haween Kaa aaminee Xil aanan awoodi Karin Ayaad iiga aadantoo Abaal baan kuu hayaa
Queue is empty
-- / --