VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Banaadiree - Lyrics

Xaruntii bahweyntee Soomaalida bariisaay ? Dalkeygiyo Bu'da arigtideydaay Beegsataye libtaadii Banaadireey Ma nabad baa Bixisada dhaceysiyo Ba'a waxa kasoo hara Adoonkii balaayada Ku xasuusta boqorkee Baryadii ilaahay Waataa nuurku baxayee Barakeey alloow xamar ................................... Bada afrika ugu dheer Wabiyada butaacee Lamaaneeyay beeraha Dhul barwaaqo inaa nahay Waataa biixi kabantoo Sii balaartay maantee Waxa baarka ii firay Shacab barakaceygiyo Burburkeyg neceboo Baaba'eyga dhibayoo Birmadkii dadkeygaa Boogihii daweeyee Kaalaya bulshada dhaha .................................. In aqoonta badatoo Laga baxo jahliga oo Kheyraadkaan? Aqoon lagula soo baxo Adaa nagu barbarshee Biimiyo ha mudan ciil Bixisada dhaceysiyo Ba'a waxa kasoo hara Adoonkii balaayada Ku xasuusta boqorkee Baryadii ilaahay Waataa nuurku baxayee Barakeey alloow xamar ..................................... Isbadal nabada dhacdan Dadkeyga ugu baaqi a Banaankaa hantida u taal Inta la iska bogi laa Caqligu ha baraarugo Dalkeena ku baahi tira Waxa baarka ii firay Shacab barakaceygiyo Burburkeyg neceboo Baaba'eyga dhibayoo Birmadkii dadkeygaa Boogihii daweeyee Kaalaya bulshada dhaha ................................. Bilic iyo hufnaan iyo Baxaada iyo ganacsiba Bari waxaan ahaan jiray Afrikaanka badidood Caasimada ugu bilan Maantana besma ahoo Waxa baarka ii firay Shacab barakaceygiyo Burburkeyg neceboo Baaba'eyga dhibayoo Birmadkii dadkeygaa Boogihii daweeyee Kaalaya bulshada dhaha ................................... Barbaartii waxaan ahay dunidaa ku baadee Boholyoowgu keenoo Booqashadeenu waxey tahay Xamar bogaadintaadee Baridaye ha soo noqon Bixisada dhaceysiyo Ba'a waxa kasoo hara Adoonkii balaayada Ku xasuusta boqorkee Baryadii ilaahay Waataa nuurku baxayee Barakeey alloow xamar ................................... Inkastoo bukaan iyo Soo maray xanuun badan Oo badanka oogada Bastey mudo ahaan jiray Ka bogsooday maantoo Waa nabad barbaareey Waxa baarka ii firay Shacab barakaceygiyo Burburkeyg neceboo Baaba'eyga dhibayoo Birmadkii dadkeygaa Boogihii daweeyee Kaalaya bulshada dhaha ..................................... Boqolaal kunee ruux Baarinimada hooyadii Ku abaabisay barashee Beer nugeel ku korisee Hooygii lagu baraaraay Ha basaasin waliba a Bixisada dhaceysiyo Ba'a waxa kasoo hara Adoonkii balaayada Ku xasuusta boqorkee Baryadii ilaahay Waataa nuurku baxayee Barakeey alloow xamar
Queue is empty
-- / --