Heesta Beer nugeyl - Lyrics
caku beer nugaylkii cawilow ma caawino dhoor cishoo nadhaafaa caashaqu wax kuu dhimay
ciladani maxay tahay ma cidlaa lagaa helay sibaad iila culus tahee
maxaa ceenkan kaa dhigay miyay caadadaa tahay mise waaba curadoo iminkaad cadiban tahay
calool yowgu waa maxay ma colbaa ku weeraray ayaan kaana kaa qubay
dumar waa cadaawoo waa duul ku caan baxay caro weelo nimadee
yartuu dookha calan kaleh laga lulay caleemaha miyuu calafku kaa diray
makuu raray cirkaa dheer cirfiid makugu furay maku raagtay cabashada
hadaad ciidan waydo cidi ay kutaa kuleen qaysba wuu calaacalay la catowday laylaba cilmi hodan ka sheekee cali maaxna iilkii cowraluu dugsanayaa
shaygu waa cajaa iboo kuma haysto cunahoo sida caashiqiintii mar uun cadil isdiidsii calool adayga weheshoo cibro qaada oo samir