Nimanyahoow dad lama beero
mana baxo sidii geed
ma ogtahihiin barbaarteenu
beec iyo xaraashaa maha
naf hadaad bilaash moodeen
dhul batrool ku jira maaha
macdan buur dusheed taala
qiimiga in badan dheere
kaligeey hadii aan bo ay
hadii aan baroor diiqo
baaqa yaa ila garan doona
waxa aan ahay bukaan socod e.
Nimanyahoow bulshada eega
qubuurahana soo booqda
inta wiil laxaad beeley
bukaan socodka tiro gooba
waloon beeni soconeeynin
beelina wax tari mayso
xukun baadil lagu raadshey
dhibta looga bixi maayo
kaligeey hadaan bo ay
hadii aan baroor diiqo
baaqa yaa ila garan doona
waxa aan ahay bukaan socod e
Nimanyahoow Alle ayaa boqora
cilmi iyo awood badan leh
bismilaahibaa dawo ah
Bogo daya kitaabka
badrad anaa xoog leh
iyo baawir lagu faano
Bukaase iyo Namruud iyo
Illeeyn hawl ku bogn waaye
Kaligeey hadaan Bo ay
hadii aan baroor diiqo
baaqa yaa ila garan doona
waxa aan ahay bukaan socod e