Calaacalaha nuuree
ceynka ey u yaalaan
qofkastaaba caashaquX2

Cidiyaha had iya jeer
aan cilaanka loo weynX2

Nawada cudoonoo
leysku wada cabiray iyo
surka iyo cabaadyaha
marki aan tin iyo cirib
casaankaaga dheehdaba
la cajabay ilwaadeeyX2

Calaf nimuu ku raacshaa
cawa iyo ayaan leheX2

Cimri dheer ku waaroo
ilaahey caruur iyo
caafimaad ku siiyoo
ifka caana iyo nabad
cilad li i’ ku noolow
cilad li i’ ku noolowX2

Timahaagan culaygee
dib markey u ciiraan
kaligood cayaariyoX2

Ciradkiyo dibnaha iyo
ilka cadayga weheshadaX2

Codkarnimada dhalankaa
carabkaagan edebta lehe
cimrigey intaan jiray
caalamkaba adoo kale
habeen lama caweynoo
caadiyad umaan arakX2

Inan yahay cirkoo da’ay
cosob soo baxaa tahayX2

Cimri dheer ku waaroo
ilaahey caruuriyo
caafimaad ku siiyoo
ifka caana iyo nabad
cilad li i’ ku nooloow
cilad li i’ ku nooloowX2

Lyrics by Abdi deeq

Exit mobile version