Heesta Dadyahow - Lyrics
dadkaan wada siyaasigaa dhamaan wada suxufiga ah warkooduna dooda yahay
dadkaan wada sameecada ah dadkaan saarbaa ku dhacay ma ogi meel loositee dadkani silac bay muteen fankana dabiib baa ugalay
dadyahow waa iga su'aal naftoo been lagu sabiyo runtoo laga sii siqaa sahwigu guul idil miyaa
hadaan sidan laga badalin hadaan rabi siinin khayr ogow saadanbiyo hadhow inay saakuun ka dari rasmigu waa nolol hasugin
samaanta nin kaan jecleen wuxuu saadiyuu helaa wax umbaa lagu saladi
dadyahow waa iga su'aal naftoo been lagu sabiyo runtoo laga sii siqaa sahwigu guul idil miyaa
dhalaanka sidiyo sirquhu hadmay sabi wada noqdeen hadmuu sabankii isrogay
kuwii la siyaaran jiray hadmay sumcadii lunsheen sax iyo khalad baan arkaa salkii meel wada dhigee hadmay surin wada mareen
dadyahow waa iga su'aal naftoo been lagu sabiyo runtoo laga sii siqaa sahwigu guul idil miyaa