Heesta Dalxiis - Lyrics
dhaqankiyo dalxiisku
waa dhuuxa qarankoo
dhabtii qaab dhismeedaky
dhaantadu ka kawdahaye
dhan ka kale hiduhu waa
dhaxall waalidkeenoo
dhalinyaro iyo waayeel
waan ku dhaadanaynaa
o heliyaalaw heliyaalaw aha
dhulka aynu leenahay
inta dheeman taalay
macdan dhigay illaahay
een inaga dhamaanayn
cafis dhawra abidkiin
oo dhamaan aduunyada
ka dhaadhiciyayba jira
dhirta laga qadhaabsado
dhuunyaalihii iyo
dhafaruug bislaatiyo
midhahaa la dhuunyado
iyo dhuuqsin xabageed
oo dawaysada dhabirkiyo
tamayuluq dhadhaar leeg
nin dhadhamiyay baa oge
waa dheef qaaliya
dhayal maaha xooloha
bulshadeenu dhaqatee
dhaydiyo dhanaan geel
ayaan wada dhamaynaa
marna dhaylo hilibiyo
dhito subag lo,aadiyo
cod cod adhigu dhiiqaan
wada dhuunaynaynaa