Heesta Dhismaha Nolasha - Lyrics
Dhismaheyga noloshow
dhaayaha u roonow
dhibku heyna daaye
hadmuu dhici arooskiiX2
Dhaqashada iyo aayaha
nolasha taan ku dhaartaay
dhaqsa reer galkeeniyo
rabbi ha isku keen dhigoX2
Rabbi kuma dhantaaline
siduu kuu dhameystiray
dhankastoo aan eegaba
ma dhaafaan ragbaa tahyX2
Dhaqankiyo asluubtiyo
dhalaalkiyo quruxdaadaa
qeyrkaa ku dhaaftoo
lama dhalin adoo kale lama dhalinX2
Ma is dhaafsanaayoo
dhiiga ma isu miirnaaX2
Waxyeelada dhankaagaan
dhaawac uuga baqayaa
dhaawac uuga baqayaaX2
Dharaarteynu kulanaa
dhal horaadka caashaqa
iisartay dhabarkoo
aniguna iskama dhiginX2
Dharaarteynu kulanaa
dheydiisa caashaqa
idhan siisay anigoo
dhadhansaday kalgaclkiiX2
Dhagaheyga maqalkuna
hadalki ku so dhaca
waxey sii dhadhamiyaan
kalmadaha dhankaaga aaX2
dhaayaheygu jecelaa
adigoon ka dheereen
hadba iney ku dhowrtaan
jaleecada ku dheehdaan jaleecadaX2
ma isdhaafsanaayoo
dhiiga ma isu miirnaaX2
waxyeelada dhankaagaan
dhaawac uuga baqayaa
dhaawac uuga baqayaaX2
Lyrics by Abdi Deeq