Heesta Gaari baa tahay - Lyrics
Ragu sahanka guurkiyo
gayaan xula madaayee
inta guudka firatee
loo xiro gareeyskiyo
dumar gabi ahaanteed
xidig tii unoqotiyo
waxaan helay gargaarkii
gu'yaal aan sugaayiyo
gurmadkii nafteydeeX2
Galad lama ilaawee
gacanteydi midigeey
gacalkiyo xigaalada
gob uruurisaa tahay
xamdi gaari baa tahay
nasab loo go'aa tahy
guul lamahdiyaa tahay
guul lamahdiyaa tahyX2
[Anna gacalo eegmada
galin kaama daayoo
nimca aan gudoomoo iigooniya tahy]
Mar hadii gun iyo baar
caashaqii godladayoo
eeynu maalnay gaaxdii
ubaxii guduudnaa
gunta miro ku yaalaan
guud ahaanba nolashii
heerbaan ka gaarnee
guud ahaanba nolashii
heerbaan ka gaarneeX2
gurigeynu sharaf iyo
gogol loo hamuumiyo
gabay gabaad lamahadshee
geedigaa inoo haray
gurya samo janada iyo
halkaan laga gaboobeyn
rabbi nooga yeel gaarX2
Lyrics by Abdi Deeq