Heesta Gacalo - Lyrics
Caashqaqa Ha guulguulin
Ha udiidin gogashiisa
Gocalooy wanaageena
Ha ku dumin garaadkaaga
Garashada ha waydaynin
Ha uguuxin nacabkaaga
gurboodkiyo iyo dhalaankeena
Ha baneenin garabkooda
Gudintaad afeenayso
Ha ku goynin midigtaa
Gibasha iyo owrkeeda
Labo gees hakala geenin
Hadalka iyo go’aankii
Taladii iyo gudoonkii
berito iyo waxii gaaray
Rabi ha’ina garan siiyo
Gocashada ha baarbaarin
Ha ufiirsan godabteeda
Guurka iyo sharaftiisa
Haka goyin jaceylkayna
Inta xaajo gurigiina
gudi oday loo saaray
Hadii la isku wada geeyo
Boqol iyo lag bay gaaareey
Rag ninkaanay gabdhiisa
Gol doleela ka ilaalin
Qayrkiisa garabjoogo
Weligii ma gaaraayo
Hadalka iyo go’aankii
Taladii iyo gudoonkii
Berito iyo waxii gaadhay
Rabbi ha’ina garan siiyo
dhirta lama garaacaanka
gunta xididka ha usaarin
Geed miraha laga goosto
jiridiisa lama gooyo
Guryo samo adoo yaala
abaar reerka lama geeyo
adoon sahan ku guureynin
Geediga ha heensaynin
Gafka ruux intuu geesto
Garawshiyo laga waaye
Halka kibirka gaarsiiyo
Gumatida haloo joogo
Hadalka iyo go’aankii
Taladii iyo gudoonkii
Berito iyo waxii gaadhay
Rabbi ha’ina garan siiyo