Heesta Gocasho - Lyrics
sida dooxa xaysimo xili dayra lagu jiro intuu daadku soomaray doc ujiifsadeenoo dagmo aad utaaloo daaqaayaa ramadkii
nirguhuna daaftiyo dacalada u jiifaan docosho iyo xooyada duugaaya laamaha
dhanka kale darmaanadu danankiyo garmaanuhu udabaal dagaayaan
dhalintuna damaashaad galabtii u dareereen
sideedaadaan daleesay kuu soo dalxiisee adna dumar uun ha udhuran
kuma deen karaayee aroos aynu dayrnee nolol dihin ku waarnee
sidaad tahay darmaan ugub intay daaqday laba doog degaladii nugaal iyo darkii laasa caaniyo
dur durkii didaya iyo degmadii taleex iyo dalsan keedi joogtoo
dayac laga ilaalshoo dulin iyo dugaag cunin dusheeda iyo oogada darbi siman la moodoo
dayrtii lajaga baray dawanka iyo kooraha iyo daah qaraha leh iyo
lagu xiray dun faraq lahoo dadku daawanaayaan
sideedaadaan daleesay kuu soo dalxiisee adna dumar uun ha udhuran
kuma deen karaayee aroos aynu dayrnee nolol dihin ku waarnee