Hilow iyo caashaqu waa halisoo
Qofbaa qof oo lado hadana ka haroo
Midkale ku hilmaam is yiroo

Sidaaan ugu helay hanaan quraxee
Hubqaadka iyo haybadayduna
Had iyo jeer may ihor joogtaa

Hurdana waqti ay haboontahiyo
Habeenba miyaan haleelaa

Hurdana waqti ay haboontahiyo
Habeenba miyuu haleelaa

Adaa hirka sare hawada u kacoo
Inaad i hilmaanto kaa hirgashee
Adigu hadalkaaga kama halayee
Hilaac baxaayo ee haracdiyo
Daruur hortiyo haraad u qabaan
Ku soo higsadaa halkeediyee

Hurdana waqti ay haboontahiyo
Habeenba miyaan haleelaa

Hurdana waqti ay haboontahiyo
Habeenba miyuu haleelaa

Exit mobile version