Heesta Hibo - Lyrics
Heegiyo daruur
ii hoortayoo
ku haraad baxaay
Hoodo iyo nasiib
Hibo lagu dagaay
Niyada qabiga
Adaa hooy u kulul
halboolahu dhamaan
Kuu huray dhamaan
Idilkood hablaha
Adigaa hibooy
Habeen iyo dharaar
Maanka kugu haayaay
Dhaqan hodan leh iyo
Hidaheena wacan
Yartii lagu habaay
Heebad iyo sharaf
Dadku ugu haraay
Hurdfad iyo garaad
Aan ku habeesadee
Hada iyo hadhow
Aan ku heranaaye
Idilkood hablaha
Adigaa hibooy
Habeen iyo dharaar
Maanka kugu haayaay