Anigoo hirdoogliyo
dambal geed Harweyn
hoos jooga raacoo
Waxaan doono heli karaX2

Tala iga halawdoo
jaceylkeygi Haadaan
hog dheer ku tuuroo
Hagar daama geeysteeX2

Hor ilaahey gacalooy
ha i qaban gafkeeygee
hodaney isaamaxooX2

(Iga hiili) ila hoori caashaqa
wixii hore iska iloow X2

Saan ukala habownaba
Hibashada xusuustiyo
Hilowgaaga awgii
Hurda sexan kari waa X2

Qalbigey hal canayoo
Halbowlihi ku tabay baa
Hiirtaanyadaadii hafeftii Damqeysee X2

Hor ilaahey gacalooy
ha i Qaban gafkeeygee
Hodaneey iisamaxoo X2

(Ila hoori) iga hiili caashaqa
Wixii hore iska iloow X2

lyrics by abdi deeq

Exit mobile version