VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hubqaad - Lyrics

Hubqaad iyo qurux yartii hanataay haybad iyo sharaf yartii looga hadhay hubaal naftaydaay tay u hilawdaay Haykal iyo muuq kaan u heelanow haybad iyo maan kii horseedow naftan hugushaan kay ku hiratow Hablaha idilkood tii aan ka helaay haweenba dhamaan tii aan la hayaay hargeysa iyo hawd taan ka haybshaan Baxdawyadii herer kaan ka helayoo hanadoo idil kii aan la hayow tani iyo wadnuhu kuu habayow Hasaasaha guur taan habsoobaay hawaawir jacayl taan hadraayaay habeenada dheer taan hilaabshaay Hirka nololeed kaan higsanayow huqda caashaqa kii igu huriyow sida hoqol roob kii u hirayow
Queue is empty
-- / --