VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hubqaad iyo qurux mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Lafoole
Hubqaad iyo qurux

Hubqaad iyo qurux
yartii hanataay
haybad iyo sharaf
yartii looga hadhay
hubaal naftaydaay
tay u hilawdaay

Haykal iyo muuq
kaan u heelanow
haybad iyo maan
kii horseedow
naftan hugushaan
kay ku hiratow

Hablaha idilkood
tii aan ka helaay
haweenba dhamaan
tii aan la hayaay
hargeysa iyo hawd
taan ka haybshaan

Baxdawyadii herer
kaan ka helayoo
hanadoo idil
kii aan la hayow
tani iyo wadnuhu
kuu habayow

Hasaasaha guur
taan habsoobaay
hawaawir jacayl
taan hadraayaay
habeenada dheer
taan hilaabshaay

Hirka nololeed
kaan higsanayow
huqda caashaqa
kii igu huriyow
sida hoqol roob
kii u hirayow

codkii Lafoole, Nimco Dareen