VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Iimaan - Lyrics

Asluub dumar iyo xishood Aqoon iyo qurux haween Marwadii uu eebahey Asaageed dhaafiyaay Jacaylkaad abuurtay iyo Kalgacaylkaad unugtay baa Qalbigu kugu aaminee Ahoow Iimaan ahoow Ahoow waligaa ahoow Ahaataye ii ahoow Ayaanbadan ooridaan Aduunyada ugu jeclaa. Ilayskii nuurayaay Iftiinkii waabaraay Udgoonbadan aynigeed Amaanta mutaysataay Ishaa ii macalin oo Gayaankaa ado qudhaan Nafteeyda kugu aaminee Adkee Iimaan adkee Adkee waligaa adkee Adkeeysaye ii adkee Adaa arimada jacayl Wadnuhu kuu oomayee Aroos iyo aqal galnee Awlaad ubad kheyr qaboo Ina anfaca Eeabahey Aamiin Rabbi ha aqbalee Islaam sugan baynu noo Alleh iyo Nabigii qiroo Sunne iyo Faral oogayee Ugoow Iimaan ogoow Ogoow waligaa ogoow Ogaadaye ila ogoow Cibaadadu waa Albaab Jannada irrid loo mare.
Queue is empty
-- / --