VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Isa seeg - Lyrics

ubaxii xasuustee een ifka ugu jeclaaye tii aan habloo idil iyada uun ka doortee axdigaan la galay iyo oofineysay wacadkaay waligey ismaan oran uurkeygana kumey jirin xumey ooridaade amarka qornaaye isaseega nagu dhacay waa amuur inaga weyne inkastoo dab iyo olal aqalkeeni lagu shiday inkastoo dhexdeenii buur adagi ku xirantahay misna anigu sidiibaan kuugu uur fayoobahay indhaheygu sidiibey ilmada kugu qubayaan Alle wey u fududahay mar ineynu kulane sidiibaan ayaankiyo calafka u sawraayaa Rabigey ma eexdee sidiiban amaanada Eebe ugu kalsoonahay onkadkii hilaacee iiga baxay duleedkaay astaamaha jaceylkiyo ileyskii cadceedee anshaxa iyo dhaqankaba dumar ugu horeysaay eed la igu dhaliiliyo danbi aniga oon galin dad ujeeda iga lahi dhibato ey abuureen tii leyga afduube leyna kala irdheyaay inkastoo dab iyo olal aqalkeeni lagu shiday inkastoo dhexdeenii buur adagi ku xirantahay misna anigu sidiibaan kuugu uur fayoobahay indhaheygu sidiibey ilmada kugu qubayaan Alle wey u fududahay mar ineynu kulane sidiibaan ayaankiyo calafka u sawraayaa Rabigey ma eexdee sidiiban amaanada Eebe ugu kalsoonahay
Queue is empty
-- / --