VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Isma garasha dhaantaay - Lyrics

Isma garasha dhaantaay Maatada gumaadaay Walaakeed gablamisaay Gacalkeeda laaysaay Geerida ku faraxdaay Gayigeeda bi'isaay Gurigeeda dumisaay Alaabada ka gurataay Dalshisheeye gaysaay Golo iblays ka taliyaay Umad wada gooracneey galbatayee is daba qabo Garba duub aqoontiyo Diinta geed ku xidhataay Xaqa gooni baadhaay Runta tii ka gubatee Dhalanteedu guuxdaay Gardarada qadarisaay Guuldarada ku nooleey Asaageed ma gaadhaay Bidhaan gabi ka lulataay Golo iblays ku kaadshaay Uma wada guracneey galbatayee is daba qabo Gudi hadimo xulataay Waxaan jirin gorfeeysaay Go'aan beena gaadhaay Sida duul is garabsaday Golo dhexe abuurtaay Googaale mudataay Carsaanyada gedeedii Hadba gees u carartaay Gacanteeda eedaay Golo iblays ka taliyaay Uma wada gooracneey galbatayee is daba qabo
Queue is empty
-- / --