jamaashada iyo xiisaha
nafta jeel qabkeediyo
dareenkuba iso jiid
kuu imide jig jigaayX2

macariif is jeceloo
jidka horomar koodiyo
u jiiheysan nabadaba
jaliil tuu ku beeriyo
geeska johoradiisX2

waxaa tahay jirkeygiyo
jeexeygi midigeey
ilaaheey hakula jiro jig jigaay
ilaahey hakula jiroX2

jaceylada aan kuu qabo
anigoo dal dheer jiran
kaa joogi waayoo
kuu imide jig jigaayX2

hidaheyni so jiray
jinta iyo luuqdii
halku uu wali ka jiro
ee fankaa jirid u noqotee
looga wada jidboodaaX2

waxaa tahay jirkeygiyo
jeexeygi midigeey
ilaahey hakula jiro jig jigaay
ilaaheey hakula jiroX2

LYrics by Abdi Deeq

Exit mobile version