Heesta Laba aan kala marmin - Lyrics
Laba aan kala maarmin
Laba aan kala meerin
Gayaanku midoobay
Mudnaantiyo dookha
Mataanaa is doortay
Rabow mudha deeqa
Rabow nolal miigan
Muftaaxa ladnaanta
Awlaad la majeerto
Intay mudanyiiinba
Usaar midigtooda
Laba aan kala maagin
Laba aan is maquurin
Barbaar ku midoobay
Manhaajkiyo diinta
Runtiina milgeeyey
Rabow mayal hoorey
Rabow ku manayso
Rabow mahwi deeqa
Intii ma huuraana
Rabow madal raaxo
Ka yeel midigtooda
Lyrics by Mustafe Tiitaa