Heesta Libta - Lyrics
Aduunyadan lamaaniyo
Laba lala abuuree
Laxawgeey u darantahay
Xubigiyo kalgacalkiyo
Hadaan caashaq lagu ladhin
Libaan ma joogtee
Anigina la'aantaa
Ladiwaa hurdada oo
Lahashada naftaa i maqan
Hashii qadawga laacdee
Aan laaga helin baan
Ladaneey ka dhiganahay
Jeceylkana lugooyada
Laqmiga waa udaran yahay
Laakiinta waa u halis waa u halis
Laakiinta waa u halisee
Libta inaan haleeliyo
In aan laabta samir baro
Labada Ladaneey Labadaa
Labadaa mid ii sheeg
Dheererkiyo lexaadkiyo
Laafiyaha dhilanee
Moodo labi caleen dhigay
Luquntiyo cabaarayaha
Dhabanada labeenta leh
Midabkaaga luulka ah
Wacadkiyo lilaahida
Axdigaan u laabkacay
Lurka igu abuuroo
Leebkii gantaalkii
Adigaa likeysiyo
Kalalaalankaa idhigay
Jeceylkana lugooyada
Laqmiga waa udaran yahayee
Laakiinta waa u halis waa u halis
Laakiinta waa u halisee
Libta inaan haleeliyo
In aan laabta samir baro
Labada Ladaneey Labadaa
Labadaa mid ii sheeg