A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U V W X Y Z

Liibaan Lyrics

Hadii lacag,dahab iyo luul
La isiiyo madoonayee

Aniga waxaan laacayaa
Ubaxa lebi dheer ku yaal
Indhaha kama libiqsadaan
Liishaanka qalbigu u hago

Calafka lama seegayee
Libaan iyo waxaan rajeeyn
Lakiga ubad naga tarmoo
Inshalee labadayadu
Libtiyo gusha aan helnee

Xubiga xiisaha ku laran
Looyaamay lurkiisiyoo
Hurdada toos uma ladee
Hawadaa balag la iiga lulay
Xubiga xiisaha ku ladhan
Looyaamaay ludhkiisiyoo
Hurdada toos uma ladee
Hawadaa balag la iiga lulay

Aniga laan quruxsan baa
Wadnaha lakawgutaah
Sucaad laxawgaan u qabo
Waa laabta midaan ka go’in
Waa laabta midaan ka go’in

Calafka lama seegayee
Libaan iyo waxaan rajeeyn
Lakiga ubad naga tarmoo
Inshalee labadayadu
Libtiyo gusha aan helnee

Queue is empty
-- / --